Nin xaaskiisa oo aroos ah wax ka galbiyey (Sabab macquul ah oo ay arrintaasi ku dhacday!!).

Written by bile mohamed on .

Nin magaciisa lagu soo koobay Joodax oo degan degmada Waabri ee magaalada Muqdisho ayaa xaaskiisa oo aroos aheyd xiligii gelbinteeda baabuur uu lahaa wax ugu galbiyey kadib markii ninkii aroosayey xaaskiisa uu ka soo ijaartay gaariga Taksi ahaan uu ugu shaqeysanayey gudaha magaalada Muqdisho.


Yuusuf Maxamuud Warsame (Yuusuf Bidaaye) oo ah Guddoomiyaha Cusub ee Wargeyska Aayaha Nolosha oo dhacdadan la kulmay ayaa sheegay in Joodax oo markiisii hore isaga iyo xaaskiisa uu ka qeybgalay gelbinteeda ku wada noolaa gobolka Sh/hoose gaar ahaan magaalada Jilib ayaa naagtiisa oo lagu magacaabo Sacdiyo waxay u sheegtay inay magaalada Muqdisho u aadeyso ganacsi, waxayna ku soo degtay reer ay qaraabo kore ahaayeen, muddo kadibna waxay isbarteen mid ka mid ah dhalinyarada  xaafada Xamar Jajab oo ay u sheegtay in ay garoob tahay, kaas oo ay ku heshiyeen guur.


Sida uu ku soo waramey Guddoomiyaha Wargeyska Aayaha Nolosha Sacdiyo oo ninkeeda Joodax u dhashay saddex caruur ah, ayaa Joodax iyo caruurtii waxay iyaguna ka soo hayaameen gobolka Sh/hoose, waxayna deegaan ka dhigteen Magaalada Muqdisho, iyadoo Joodax uu ka mid noqday taksiilayaasha ka xamaasha magaalad Muqdisho, labo sano kadib waxa uu la kulmay xaaskiisa oo aroos ah, welina uu ka qeybgalay galbinteeda, in kastoo uu arrinkii markii dambe ka dhashay buuq iyo isqabqabsi.

 

Sida warku sheegayo Sacdiyo iyo wiilkii dhalinyarada ahaa ee ay iska barteen degmada Xamar Jajab ayaa waxay dhigteen guur heer saro ah, waxaana xiligii gelbinta arooska baabuurtii galbineysay arooska ka mid noqday ninkeedii hore ee Joodax, kaas oo markii uu arkay xaaskiisa inay tahay naagta la gelbinayo ku qeyliyey “War ka joogwaa xaaskeyga” waxaana halkaasi ka dhashay buuq iyo isqabqabsi, kaas oo keenay in isla goobtii uu ku furo wiilka, sidaasina uu arooskii ku kashifmay, Sacdiyana iska raacday ninkeedii hore.