Ciidamada Kenya oo kala geeyay lamaanayaal Soomaali ah oo jaceyl wadaag ahaa muddo.

Written by bile mohamed on .

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa si layaab leh u kala geeyey wiil iyo gabar Soomaaliyeed oo jaceyl wadaag ahaa, kadib markii wiilka iyo gabadha oo ka soo baxay meel maqaaxi ah oo ku taala xaafadda Islii ee dalka Kenya ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Booliska dalka Kenya.


Ciidamada ayaa weydiiyay sharciga dalka Kenya ay ku joogaan, ayna u sheegeen naysan wax sharci ah heysan, kadib waxaa loo dhaadhiciyey xabsi lagu magacaabo Bangaani oo inta badan Soomaalida lagu xiro.


Sida uu wariyaheenu soo sheegayo wiilkii oo aad uga murugsan gacanta ay u galeen Ciidanka Booliska Kenya ayaa isku dayey inuu bixiyo lacag laaluush ah oo gaareysa 500 oo Kenya Shillings ah oo lacag  oo dhan uu markaasi ka heysay, balse nasiibdaro waxaa ku gacan seyray Booliskii oo u sheegay inay lacagtaasi labadooda isku bixin Karin, keliyana lagu sii deyn karo mid ka mid ah labadooda, wiilkii oo gorgortanka kula jiray isaga Booliska ayaa ku farakay inuu isagu marka hore baxo, kadibna uu lacag soo raadiyo markaasina uu gabadha sidaasi ku furto.


Saacado kadib wiilkii waxaa u suuragashay inuu keeno lacagtii lagu soo deyn lahaa lamaantiisa xiran, balse waxay diiday in lacagtaasi lagu sii daayo, iyadoo u sheegtay in reerkeeda ay fariin u dirsatay lacag lagu sii daayana loogu maqanyahay, waxayna ku eedaysay in iyadoo gabar ah oo wax waliba lagu sameyn karo uu ka nafjeclaystay, kaligeedna uu ciidamo ajnabi ah uga tagay sidaas darteedna aysan waxba u heynin, iyadoo dooddii socoto ayaa waxaa u yimid gabadhii  wiil walaalkeed ah oo sharci ku lahaa dalka Kenya kaas oo soo daaye, gaarina kaga soo qaaday xabsiga iyadoo wiilkii Lamaankeeda ahaana goobta kaga soo dhaqaaqday sidaasina ay ku kala hareen, iyadoo kala harkooda uu sabab u ahaa xiritaanka ay ciidamada Booliska Kenya xireen.